W/Q Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’
Sidii hore looba yidhi
Hadalku wuu kala hufnaa
Han iyo heel buu lahaa
Godkiisa markaanad hayn
Hobaaq baa lagu dhacaa
Inaad ka hadhaa habboon!
Hadalku wuu kala hufnaa
Han iyo heel buu lahaa
Godkiisa markaanad hayn
Hobaaq baa lagu dhacaa
Inaad ka hadhaa habboon!
Qoraalkii ladhkiisu ahaa ‘Aragtida Carraale iyo ta Gaarriye ee miisaanka maansada iyamaa mucweyn?’ ee ku soo baxay degelka http://www.somalilandstudies.com mar dambane lagu soo saaray degelka www.wardheernews.com ayaan ku dadaalay inaan kaga warceliyo codsi uu Prof. Carraale dhawr madalood kaga dhawaaqay. Codsigaasi wuxu innagu dhiirrigelinayaa inaan isku dayno sidii loo ogaan lahaa waxay ku kala duwan yihiin iyo sida ay u kala waxtar badan yihiin aragtida Carraale iyo ta Gaarriye. Si arrintaa looga niib gaadho waxan soo jeediyey siddeed qodob oo aan hal-beeg uga dhigay. Waxanan in taa ku daray inaanay aragtidaydu ahayn mid bir lagu jiray oo laygu diidi karo, wax lagu biirin karo, waxna laga dhimikaro. Ujeeddadaydu may ahayn in muran ka aloosmo. Waxanse filayey inuu qoraalkaasi hormood u noqodo baadhitaan iyo barasho hor leh oo loogu noqdo labada aragtiyood ee Miisaanka Maansada oo haddii la hormarin karo la sii hormayiyo. Hayeeshee, nin isku magacaabay Idiris M. Ali baa qoraal falcelis ah oo la yaab badan lana yidhaa ‘kala saaruhu muu isa saaro soo saaray ( www.wardheernews.com).
inta kale ka akhri halkan
inta kale ka akhri halkan



0 comments:
Post a Comment