Wednesday, May 26, 2010

Aragtida Carraale iyo ta Gaarriye ee miisaanka maansada iyamaa mucweyn?

W/Q Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’

1. Hordhac

Miisaanka maansadu waa xeerka fagaasa maansada ee kala duwa tixda iyo tiraabta. Haddii aan si kale u idhaa waa xeerka sheega waxay jiifto kaga duwan tahay geeraar, ama gabay kaga duwan yahay buraanbur, iwm. Haddaba, xeerkaasi maaha mid uu Carraale ama Gaarriye leeyahay ee waxa iska leh af Soomaaliga. Hayeeshee, Carraale iyo Gaarriye waxay ku dadaaleen inay helaan sida uu xeerkaasi u adeegsamo. Dooddii, haddaba, ku saabsanayd mid koodii hor helay miisaanka maansada waxan filayaa in laga soo gudbay. Loomana baahna in dib loogu xiiqo. Waxase loo baahan yahay in si dhab ah loo barto labada aragtiyood lana ogaado waxay ku kala duwan yihiin lana tilmaamo aragtida hadda ku habboon maaraynta xeerkaasi. Haddii midhkaa lagu guuleysto, waxa hubaal ah in markaasi laga warcelin karo codsigii Borof. Carraale uu dhawr madalood kaga tibaaxay ee ahaa in la kala ogaado labada aragtiyood, tiisa iyo ta Gaarriye, midda mucweyn. Haddii midhkaa la bilaabo waxan filayaa in loo gudbidoono heer aan la kala xulanayn Gaarriye iyo Carraale ee waxa la kala dooranayaa ay tahay aqoonta ay inna soo hordhigeen. Iyada oo mid kasta lagu tixgelinayo sida iyo qaabka uu u adeegsaday aragtidiisa.Inta kale halkan ka akhri

0 comments: