Alle ha u naxariistee Abwaan Xasan Cilmi waxa uu ku dhashay miyiga gobolka Awdal (Somaliland) goobta la yidhaa Carraweyne sannadkii 1925kii. Xasan miyiga ayuu ku koray kuna barbaaray. Kuraynimadiisiiba waxa uu ahaa barbaar firfircoon oo fahmo badan.
Xasan Cilmi qoys xoolo dhaqata ah buu ka dhashay,sida uu sheegay intii uu noolaa mar lagu waraystay Telefiishanka Jabuuti(RTD) aabbihii iyo hooyadii midna ma gabyi jirin,halkaa waxa ka muuqata hibadii Xasan u lahaa suugaanta inay ahayn mid hidda-raac ah ee ay tahay mid isaga Ilaahay gooni ugu mannaystay.
Mar la weydiiyey inuu wax tirin jirey intii uu miyiga joogay,waxa uu ku war celiyey,berigii aan miyiga joogay haba yaraatee waxba maan curin, hasayeeshee suugaanta dadka kale tiriyaan ee dhegahayga ku soo dhacda dhakhso ayaan u xafidi jirey. Islaan qaraabo aan hayn oo la odhan jirey Saxarla Kuul ayaa beri aan yaraa haweney kale buraanbur u tirisay buu yidhi. Buraanburkaa anoo xafidsan uun baan is ogaaday runtii. Tuducyadiisiina kuwan baa ka mid ahaa!
Anaa faanaye Foodhyo waxaad tidhaa
Geeleygii cascasaa candoolnimo kuma ogeyne
Caasha-badhi yahay ma adigaa candhada ka cunay Sii akhri

0 comments:
Post a Comment