Tuesday, February 23, 2010

Madal la isku Arkay oo loogu Magacdaray u Hiilinta Afka hooyo oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (SDWO 03/02/2010) – Madal la isku arkay oo lagu qabtay Imperial Hotel, waxa lagu suntay weedho ay hal ku dheg u yihiin Habeenka Aqoonyahanka C/raxmaan C/laahi Faarax ( Ina Guri Barwaaqo ) iyo Naadiga Akhriska ee Hargeisa, iyo weeedh ka hoosaysey oo u dhignayd, “ U hiili Afka Hooyo”.

Sidii lagu yaqaanay waxa soo qabanqaabiyay Naadiga wayn ee HRC, Xaflada ka hor intaanay bilaabmin dadka waxa aad ka dareemaysay xiisaha gaarka ah ee ay u hayaan Madashan caawa kulmin doonta iyaga iyo aqoonyahanka, dhalinta iyo martisharafta aadka u tirada badan ka sakaw Goobta waxa diyaar ku sii ahaa Qorayaal iyo Abwaano Miisaan culus leh Boobe Yusuf Ducaale, Xasan Cabdi Madar, Abwaan Aw-geedi, Aqoonyahanno Jaamacadaha wax ka dhiga iyo Guud ahaan asxaab ay iskufil ahaayeen Aqoonyahanka Dhamaanna diyaar u ah Hiilka Caawa looga baahanyahay.

Hoos hadii aynu u soo degno waa qoraagii Xasan Cabdi Madar oo weedho kooban oo mug leh ka soo jeediyay Madasha, waxa uu ka waramay kaalinta Qoraaga Buugtiisu ay kaga jiraan u hiilinta afka Hooyo, tusaale waxa uu u soo qaatay Buugiisa Magac Bilaash kuma baxo oo uu tilmaamay In dhalinta guurka ku cusubi la soo xidhiidhaan si magac ay ugu dooraan Wiilkooda Curad balse buugga uun uu dib ugu noqdo si magac ku haboon ugu sheego, qoraagu waxa uu tibaaxay inaanu u helin Jawaabo waafi ah oo kaga yimaad shisheeyaha dunida kale, sida maxaa idiin gaar ah Cunto iyo Hu.



Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo Hugiisa aad ka dheehanaysay isaga iyo Aqoonyahankuba inay ku labisnaayeen Hu
ga u gaarka ah Dhaqankeena ayaa isna ka mid ahaa Marti sharaftii Madasha ka hadashay waxa uu u mahadnaqay Golaha Akhriska Hargeisa oo uu ku amaanay kaalinta iyo Xilka ay isa saaraan, intaa ka dib Qoraagu waxa uu si tiiraanyo leh uga waramay Meelaha ugu xaradhaamada badan ee Afku ka liicay ay ugu horeeyaan Telefishanada, Boodhadhka, Jaraaidka, waxa uu tilmaamay inaan abtirsiini jirayn hadii aan loo hiilin Afkii Hooyo, Boobe waxa uu tilmaamay inuu aad uga tiiraanyaysanyahay inuu arko afkii hooyo oo geeriyoonaya Geeri aayar aayar ah. Qaybta kale ka sii akhri


0 comments: