Sunday, December 27, 2009

illeen Farxadduba waa Afka


Cismaan Nuur Ducaale, tiraabe@hotmail.com
.

ileen Farxaduba waa Afka(Luuqada) Waa fiid dambe oo ay goorsheegta magaalada Landhan labaatan ilbidhiqsi weydaaratey tobankii. Barocibaadeedda oo gurigeyga duleedkiisa ah ayaan ka soo lugeeyey kadib markaan soo tukadey taraawiixdii. Markaan hoyga soo galay ee aan bixiyey kabihii aan illanaa ayaan shiday fogaaldaymoodka si aan u daawado wararkii Universal TV. Markii weriyuhu war iyo wacaaal wuxuu carroedeg gudo iyo debedba ka hayey uu gadhka noo geliyey ayaa waxa soo boodey bandhig kale oo warka ku daba nabnaa. Waa bandhig aanan markaa u tooga hayn balse aan u riyaaqay kaas oo ku saabsanaa tartanka quraanakhriska carruurta Soomaaliyeed oo lagu qabanayey barta-tebinta(studio) ee Universal TV.

Goobta waxa fadhiyey dad waalid iyo carruur u badnaa balse ay weheliyeen qolyo kale oo ahaa gacan ka geystayaashii bandhiggan isaga ah iyo garsoorayaashii tartamayaasha kala saarayey. Gabdho iyo wiilal bay isugu dhafnaayeen carruurta tartamaysey, da’ ahaanna way is ceshanayeen oo waxay ahaayeen isku ayni badankoodu marka laga reebo wiil iyo gabadh 8 jir iyo 6 jir kala ahaa. In kastoo aanan la billaabin oo bandhiggu iga horreeyey haddana wacdaraha carruurtu dhigaysey ee cod-macaanida, hannaanka bilida akhriska iyo kor ka qaybsanaanta quraanku ay ku dheehnayd ayaan aad ugu bogey. Hilowgaas igu beermay ayaa igu kellifey in niyaddayda oo dhami u hoggaansanaato dhegeysiga ubadkan khayreed ee quraanka kariimka ah qud-qudhinayey. Haadba haad kici oo tartame kastaa kii hore wacdarihiisii i illowsii balse waxan aad ugu nastay wiil aan u malaynayo inuu ka yimi ama ka socdey malcaamadda “Al-nuur.” Waxan muquurtay mowjado naxariis ah markii uu wiilku billaabay aayado ka sheekaynaya DUL-QARNEYN iyo jeefaggii dheeraa ee uu galay iyo hore looma aragyaduu mutay ilaa uu gaadhayey barta JUUJ iyo MA’JUUJ hundudaan kuwaas oo uu halkaas ku naxaasey si aanay debedda ugu soo bixin.

Waxay sidaas ahaataba gebagebadii bandhig tartameedkii ayaa la soo gaadhay iyadoo hadalkii lagu wareejiyey garsoorayaashii oo ahaa saddex nin oo magacyadooda erayga SHEEKH ku wada lammaanaa. Ninkii dhexda fadhiyey baa hor qaatay oo u baxay waxa erayadiisii ka mid ahaa “Dadku markay tartamaan qofna waa FAA’IS qofna waa QAYRUL FAA’IS” oo haddii aan afsoomaali u rogo noqonaya “Qof badiya iyo Qof laga badiyo.” Shiikhu isaga oo hadalkiisii sii wata wuxu yidhi “Al-markasul uulaa waxa helay wiilka magaciisa la yidhaahdo hebel hebel waxanu helay TISCA WA TAMAANIYIIN WA NISF” oo afsoomaali ahaan noqonaya “kaalinta koowaad waxa helay wiilka hebel hebel oo keenay sagaal iyo siddeetan iyo badh dhibcood.” Intaas kagama uu hadhin ee wuxu ku sii ladhay shiikhaas garsoorayaasha ka mid ahaa erayo iyo weedho aad u fara badan oo afcarabi aan badhxanayn ahaa. Inta kale halkan ka sii akhri

0 comments: